U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Dalkiisa Ka Ceyriyay 17 Kun Muhaajiriin U Dhashay Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Sida ay ku warrameyso hey’adda IOM, dalka Sacuudiga waxaa uu dalkiisa ka ceyriyay sanadkan gudahiisa ilaa 17 kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo u dhashay dalka Yemen.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in dadkaasi lagu soo rogay ganaax lacageed ama xabsi, waa kuwaada aan heysan Iqaamada, sababta waxaa lagu sheegay in loo dhimmo shaqada.

Sacuudiga waxaa kale uu dalkiisa ka tarxiilay muhaajiriin u dhashay dalalka Itoobiya iyo Bangladesh, arrintaasi waxaa dhaleeceeyay hey’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey.

Goobjoog News