U bood dhigaalka

Sacuudiga oo Xayiraaddii Ka Qaaday Xoolaha Soomaalida ee Loo iib Geyn Jiray

Sheeko:Dalka

War kooban oo kasoo baxay dalka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in si rasmi ah xayiraaddii looga qaaday xoolihii Soomaalida ee loo iibgeyn jiray.

Warkan oo lasoo dhigay barta Twitterka Wasaaradda Deegaanka ee dalka Sucuudiga ayaa waxa uu u qornaa sidan: “Waxaa xayiraadda laga qaaday xoolihii Soomaaliya laga soo iibsan jiray.”

Si kastaba, warkan ayaa si weyn u farxad gelinaya ganacsatada ka shaqeysata xoolaha oo xilligan oo kale uu ahaa waqtiga ugu muhiimsan ee ganacsiga xoolaha.

Goobjoog News