U bood dhigaalka

Sacuudiga: Wasiirro Shaqada Looga Ceyriyay Arrimo La Xiriira Musuq

Sheeko:Dalka

Dalka Sacuudiga ayaa shaqada ka joojiyay 11 Amiir, tobaneeyo wasiirro hore ah iyo 4 wasiir oo hadda shaqada ku jira, waxaana dhammaantood lala xiriiriyay arrimo musuq ah.

Qoraal uu soo saaray Boqorka dalkaasi Salmaan waxaa uu sidoo kale la dhisay guddi uu hogaaminayo dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan si baaritaan looga sameeyo arrimo la xiriira musuqa

Boqorka wasiirada uu shaqada ka diray waxaa ka mid ah Wasiirka Xaraska, qorsheynta iyo Dhaqaalaha

Amiir  Mutcab Bin Cabdallaha oo Xaraska qaabilsan waxaa lagu badalay Khaalid Bin Cabdi Caziz, Wasiirka qorsheynta Caadil Faqiih waxaa lagu badalay Maxamed Tuwejari.

Go’aannadan waxaa ay qeyb ka tahay isbadallada dhaxak-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan oo tan iyo markii la magacaaabay isbadallo sameeyay.

Goobjoog News