U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar goor dhow nasoo gaarey ayaa sheegaya in rag hubyesan oo loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ay Saddex Askari ku dileen Isgoyska Ex-control Balcad ee magaalada Muqdisho.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News in raggan hubeysan ay si lama filaan ah ku dileen Askartaan, iyaga oo qaatey hubkii ay askarta wateyn.

Sidoo kale Goob joogaha oo ka gaabsadey magaciisa ayaa inoo sheegay in halka dilka askartaan ka dhacay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaasi oo halkaa dadka ka kala eryey islamarkaana billaabey howlgallo.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan, sidoo kalena weli wax war ah kama aaney soo saarin saraakiisha amniga ee gobolka Banaadir.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News