U bood dhigaalka

Saddex Kursi oo Aqalka Hoose ee BFS ah oo Lagu Doortay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Saddex kursi oo ka tirsan kuraaska aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

Xarunta guddiga doorashooyinka dadban ee Muqdisho waxaa maanta lagu doortay saddex mudane oo ka mid noqonaya aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kuraastan ayaa waxaa ku soo kala baxay Sakariye Xuseen Aare oo helay 49-cod, C/raxmaan Maxamuud Caateeye oo ku guuleystay 49-cod, halka C/raxmaan Maxamuud Caateeye uu kusoo baxay 42- cod.

Tartamaasha Sida Ay u Kala Heleen Cododka:

Kusiga Koowaad

  1. Sakariye Xuseen aare 49
  2. Xaamud Xasan Nageeye 0
  3. Sakariye Mahadi Cabdi. Doorashada may soo xaadirin.
  4. Nuur Cabdullaahi Waabari. May soo xaadirin

Kursiga Labaad

Waxaa ku tartamay labo qof oo kala ah;

  1. C/raxmaan Maxamuud Caateeye: 49 cod.
  2. Cali Cabdi Ibaarim: 0 cod.

Kursiga Saddexaad

Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay 4 qof oo Labo ka mid ah ay iskaga bexeen goobtii doorashada kadib markii shiqaaqo yar ay ka dhacday goobta doorashada.

  1. Guuleed Caydaruus Cige 42
  2. Canab Xasan Kaahin 2
  3. Shugri Cabdi Yusuf. kamey qeybgelin.
  4. Khadaro Axmed Ibraahim. Kamey qeybgelin.

Si kastaba, kuraastan maanta la doortay ayaa ka dhigan in doorashadii aqalka heese ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ka dhigan in xubno 5 ka yar ay ka harsan tahay guud ahaan doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Goobjoog News