U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Abaar Ugu Geeriyootey Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Saddex qof oo xoolo dhaqato ah ay Abaar darteed ugu geeriyoodeen deegaanka Qoordheere oo bariga ka xigta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Xasan oo lasoo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u daran, islamarkaana ay ka baqayaan in dad kale ay abaarta darteed u dhintaan.

Waxa uu sheegay in dadkii ku dhaqnaa deegaankaasi ay gabi ahaantoodba xoolo beeleen, islamarkaana hadda ay  bilaabatay in dadka ay abaarta u dhintaan.

“Saddex qof ayaa abaar ugu dhintey Qoordheere, dad kale waa ay il daran yihiin, wax xoolo ah oo dadkaan u haray ma jiraan, haddii aan laga soo gaarin dadka ku dhaqan deegaankaan waxaa halis ah in dad kale ay baahi iyo harraad u dhintaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Nabadoon Cabdullaahi ayaa ugu dambeyn waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samofalka ah ugu baaqey in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadka ay abaarta ku hayso Shabellaha dhexe.

Abaar saameysay dadka iyo duunyada ayaa ka jirta gobollo badan oo kamid ah dalka, waxaana ku dhintey tiro dad ah, waxaana sidoo kale ku dhammaadey xoolo badan.

Goobjoog News