U bood dhigaalka

Saddex Qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Masjidka Barakeysan

Sheeko:Dalka

 Saddex Falastiiniyiin ah ayaa geeyirooday subaxnimadii hore ee saakay oo Jimca ahayd, kaddib markii ay is rasaaseyn dhex martay Iyaga iyo ciidamada Israa’iil, taasoo ka dhacday barxadda hore ee masaajidka barakeysan ee Al-Aqsaa, halka uu muwaadin kale oo Falastiini ahna lagu dilay meel u dhaw Baytu Laxam.

Telefishinka  Al-jazeera ayaa sidoo kale ku warramaya in iska hor imaadkaas eey ku dhaawacmeen laba askari oo Israa’iiliyiin ah.

Iska hor imaadkaan ayaa ah kii labaad oo saddex tobobaad gudahood ka dhacay deegaanka QUDUS, sidoo kale wa kii ugu horreeyay ee ka dhaca gudaha Masjidka barakeysn ee AQSAA.

3da qof ee lagu dilay Gudaha Masjidka barakeysan ayaa labo ka mid ah waxa ay u dhinteeen Rasaas aan loo meel dayin kuwaas oo ay ku fureen ciidamada Israa’iil halka muwaadinka 4aad oo da’ahaan lagu sheegay 18-jir ayaa isna ku dhintay iska hor imaadka dhacay teen-dhooyinka DAHIIJA oo ku dhaw deegaanka BEYNTU LAXAM ee dhulka Falastiin.

Dhanka kale Booliska Falastiin Ayaa sheegay in ay dileen saddex qof, kaddib lagu soo qaaday.

Goobjoog News