U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Mandheera

Sheeko:Amniga

Saddex ayaa dhimatay halka mid kalana uu soo gaaray dhaawac halis ah ka diba markii gaari ay saarnaayeen lala eegtay qarax Miino oo lagu aasay Wadada dhinaceeda kaasi oo ka dhacay Magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Ku xigeenka guddoomiyaha Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Paul Kemei ayaa sheegay in Qaraxaan uu dhacay saakay Afar Saac lalana eegtay koox shaqaale ah uu doonayay in ay ka gudbaan Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Kooxdan ayaa lala beegsaday qaraxa xilli ay ku sii jeedeen goobtooda shaqo waxaa ayna doonayeen in ay in dheeyaan Xaaladda Amni ee darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xaduudka.

Goobjoog News