U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Ka Dhacay Degmada B/xaawo, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada B/xaawo gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dhacay gudaha magaalada, waxaana wada dagaallamay ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland.

Ciidamada dagaallamay ayaa dadka degaanka inoo xaqiijiyeen inay kala taabacsan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in Saddex qof ay ku geeriyootay dagaalkaan tiro kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ah dhinacyadii dagaallamay.

Dhowr saacadood oo saakay ah waxaa kacsanaa xaaladda degmada Beladxaawo, waxaana hakad galay adeegyada bulshada iyo isku socodka magaalada.

Xaaladda ayaa hadda yara deggan kadib markii dagaalka uu joogsaday, waxaana lagu soo waramayaa in weli dadku ay ka baqanayaan dagaal kale.

Weli ma jirto cid ka hadashay dagaalkani khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac sababay ee ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan degmadaasi loo magacaabay maamul cusub.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News