U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi goor dhow uu ka dhacay Qarax Miino ah kaasi oo  sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Goob Jooge ku sugan suuqaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in qaraxan lala eegtay xarun ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi.

Inta la xaqiijiyey 3 qof oo askar ka tirsan dowladda ku jiraan ayaa qaraxan ku dhintay iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Miinada ayaa la sheegay in meesha ay ku aasneyd, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo  dowladda Federaalka ah, iyadoo nawaaxiga halka qaraxa uu ka dhacay ay howlgl ka wadaan ciidamada amniga.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn ee ganacsiga Soomaaliya, waxaana ku yaalla xarumo badan oo ganacsi iyadoo maalin walbo u shaqo tagaan Kumanaan qof oo Soomaaliyeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News