U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Geeriyootay Weerar Ka Dhacay Maraykanka

Sheeko:Dalka

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay dad ka dukaameysanayey suuq ku yaalla magaalada Washington ee dalka Maraykanka, isaga oo halkaasi ku dilay Saddex qof, mid kalena ku dhaawacay sida ay sheegeen maamulka magaaladaasi.

Goobta uu weerarkaan ka dhacay ayaa lagu magacaa Cascade Mall ee xaafadda Burling Town ee Washington.

Sarkaal lagu magacaabo Mark Francis oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in weerarkaan uu fuliyey shaqsi loo maleynayo inuu kasoo jeedo dalka Spain.

“Weli waxaan baadi goobeynaa ninkii dhacdadan geystay, dadkana waxaan ka codsaneynaa in ay guryahooda ku nagaadaan si aan howsheenna u wadanno” ayuu yiri Mark oo la hadlay warbaahinta.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii wiil la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo Soomaali uu Mindi ku weeraray dad ka dukaameysaneyey meel suuq ah dalka Maraykanka.

Goobjoog News