U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Geeriyootey Qaraxyo Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Labo Bam gacmeed ayaa lagu weeraray maqaayad ku taalla halka loo yaqaano dalxiiska oo ka tirsan xaafadda Farjanno ee Kismaayo.

Inta la xaqiijiyey Saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootey qaraxyadaasi, waxaana halkaasi ku dhaawacmay 7 kale sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka qaraxyadan ay ka dhaceen.

Ciidamada Jubbaland oo gaarey halka qaraxyadan ay ka dhaceen ayaa sameeyey howlgallo aan dad lagu qaban, iyaga oo raadinayey sida la sheegay dadkii ka dambeeyey qaraxyadaasi.

Maamulka magaalada Kismaayo iyo saraakiisha amniga ee magaaladaasi weli wax faah faahin ah kama aaney bixin qaraxyadan ka dhacay Kismaayo.

Goobjoog News