U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Lagu Dilay Deegaanka Xawaadley Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Meydadka Saddex ruux oo lagu dilay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dilka dadkan loo geystay ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriira aano qabiil sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saddaxda qof ee la dilay ayaa mid ka mid ah la sheegay inay tahay Haweeney, waxaana lagu dilay meel duur ah.

Qof ku sugan deegaanka Xawaadley ayaa inoo sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay tageen degamadaasi kuwaasi oo halkaasi dialalkan ka geystay.

Shalay waxaa deegaanka Xawaadley ka dhacay dagaal u dhaxeeyay sida la sheegay ciidamo ka tirsan dowladda iyo Maleeshiyaad hubeysan oo illaa hadda la garan waxa ay yihiin.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Xawaadley ayaa qaba walwal ah in dagaallo qaab qabiil u abaabulan ay ka dhacaan degmadaasi.

Goobjoog News