U bood dhigaalka

Saddex Ruux Oo Gaajo Ugu Geeriyootey Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Tuulada Lumqo Goronyo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saddex ruux ay habeenkii xalay ahaa Gaajo darteed ugu geeriyoodeen Tuuladaasi.

Ugaas Salaad Ugaas Maxamed Rooble ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka dhintay Labo kamid ah ay ahaayeen Gabar iyo Hooyadeed, wuxuuna sheegay guddoomiyaha in dadkaan maalmahan dambe ay haysay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

“Sadddex ruux oo Labo isku qoys ah ayaa u dhintey abaar darteed, ma aysan helin dadkaan wax ay cunaan muddo badan, waxay waayeen raashiinkii ay ka heli jireen deegaanno kale, waddooyin badan ayaa jarmay oo tuuladaasi tagayey, waxaana taasi ay keentay in xaaladdan ay dhacdo” ayuu yiri Ugaas Salaad.

Dhanka kale Ugaaska oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo ay la il daran abaarta ka jirta Tuulada Luqmo Goronyo ee Galgaduud, isaga oo ku baaqay in la sameeyo gurmad degdeg ah.

Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah gobollada sida daran u saameeysay abaarta dalka ku dhufatay, welina dadu waxay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News