U bood dhigaalka

Saddex Wariye Oo Ku Xiran Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad sugidda Jubbaland ayaa xabsiga dhigey Saddex wariye oo ka mid ahaa suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Wariyeyaashan la xirey ayaa waxay kala yihiin Sakariye C/qaadir, Cumar Yaasiin iyo Sidoo kale Mascuud C/laahi.

Shalay ayaa la sheegay in wariyeyaashan looga yeeray xarunta Nabad sugidda Jubbaland, kadibna la xirey, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta loo xirey.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Saddexdan wariye xarigoodu ka dambeysey kadib markii ay tabiyeen wararka sheegayey in ciidamo ka tirsan Nabad sugidda islamarkaana gadood ah ay la wareegeen xaruntii ay ka socotey doorashada dadban ee Kismaayo.

Weli saraakiisha Nabad sugidda ee Jubbaland iyo maamulka Kismaayo kama aaney hadal xariga Saddexdan wariye.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News