U bood dhigaalka

Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka India Oo Beenisay In 50 Qof Soomaali Ah Lagu Riday Xukun Dil Ah

Sheeko:Dalka

Safaaradda Soomaaliya ee dalka India ayaa waxbo kama jiraan ku sheegtay war shalay ay baahiyeen warbaahinta dalka India kaasi oo ku saabsan in 50 qof Soomaali ah ay maxkamd ku taalla dalkaasi ku riddey xukun dil ah.

Xoghayaha 1-aad ee safaaraddan Axmed Xiis oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in warkan aanu ahayn mid sax ah, islamarkaana maxkamadda ay dadkan go’aan ka gaari doonto 30-ka bishan.

Wuxuu sheegay xoghayaha in mid ka mid ah wargeysyada dalka India uu shalay daabacay oo kaliya 50-ka qof ee Soomaaliyeed islamarkaana qirtay iney yihiin burcad badeed xukunka ay muteysan karaan.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay iney waddo dedaal ah in Soomaalida ku xiran dalka India la keeno gudaha dalka, islamarkaana sidoo kale hadda uu socdo dadaal ay wadaan safaaradda iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

“Waxaa socda dadaal ay waddo safaaradda Soomaaliya Ee India, iyo heshiis ah maxaabiis is dhaafsi, inkastoo India aaney maxaabiis uga xirneyn Soomaaliya, hadane kuwa Soomaaliyeed ee India ku xiran ayaan rabnaa inaan dalka geynno” ayuu ku yiri hadal kooban oo xoghaye Xiis uu siiyey Goobjoog News.

Warbaahinta dalka India ayaa shalay daabacay in maxkamad ku taalla dalkaasi ay 50 qof oo Soomaaliyeed ku xukuntay dil toogasho ah kuwaa oo ka mid 119 qof oo lagu eedeeyay iney yihiin burcad badeed Soomaali ah.

Goobjoog News