U bood dhigaalka

Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Kenya oo Shuruudo Ku Xirtay Muwaadiniinta Ku Laabanayo Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinayso dalka Soomaaliya iyadoo laabashada muwaadiniintaan safaaradda ay ku xirtay dhowr shuruudood oo looga baahan yahay muwaadiniinta dalka doonayo in ay dib ugu laabtaan.

Safaaradda ayaa sheegtay in dadka la celinayo ay qasab tahay  in ay haystan Baasaboorka ama degganaanshaha gudaha Soomaaliya , isla markaana aysan qabin cudurka xanuunka safmarka ah ee  COVID-19  oo kiisas badan laga helay labada wadan sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda.

Safaardda ayaa maalmihii la soo dhaafay  diiwana gelisay dadka ku xaniban dalka Kenya,  iyadoo weli diyaar u ah in ay sii diiwaan gelliso dadka weli dhiman.

Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa qaadi doonta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Kenya, waxaana ay dadku Tikit-yada jaran karaan ugu dambeyn 17-ka Bishaan May.

Dowrka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ee ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa noqonaya fududeynta sidii diyaaradaha dib-u-celinaya muwaadiniinta loogu oggolaan lahaa in ay ka duulaan dalka Kenya, kana degaan dalka Soomaaliya, sida ay safaaraddu sheegtay.

Goobjoog News