U bood dhigaalka

Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Oo Wadda Dadaal Lagu Sii Deynayo Soomaali Ku Xiran Nairobi

Sheeko:Dalka

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh ayaa booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku jirta xabsi lagu magacaabo Burburu oo ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana maxaabiistaan laga soo qabtay magaallada Isiolo ee dalka Kenya.

Tirada maxaabiistaan guud ahaan waa 11 qof, 7 ka mid ah waa haween, halka Afarta kale ay yihiin rag, waxaana lagu haystaa sida la sheegay inay doonayeen inay ku galaan gudaha dalka Kenya qaab sharci darro ah.

Dadkani ayaa diiday in dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo ee Soomaaliya sidaasi darteed waxaa lagu wareejiyay xabsigan ku yaalla magaalada Nairobi.

Qunsul Cali Bagadi ayaa mid mid ula sheekeystay dhallinyaradaan iyaga oo uga warbixiyay dhibaatooyinka ay qabaan iyo waxa ay ka sugayaan safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay Qunsulka in ay ka shaqeynayaan sidii dadkaasi ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, isaga oo intaasi ku daray in ay xiriir la sameynayaan hay’adaha caalamiga ah ee caawiya dadka soo galootiga ah, isaga oo u ballanqaaday ka saafarad ahaan inay garab taagan yihiin qof walbo oo Soomaali ah, kuna dhibban dalka Kenya.

Goobjoog News