U bood dhigaalka

Safaaradda Soomaaliya Ee Yemen Oo Faah Faahisay Dadaallada Loogu Jiro Badbaadinta Soomaalida Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Dalka Yemen waxaa ka soconaya dagaal xoogan oo saameyn ku yeeshay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kale uu socdo dadaal la doonayo in dadkaasi lagu soo badbaadiyo.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa faah faahin guud ka bixisay dadaalka xoogan ee la wado, islamarkaana ku wajahan in dadkaasi lasoo badbaadiyo.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Sanca Cismaan Axmed Maxamed ayaa sheegay in ka safaarad ahaan ay wadaan dadaal xoogan, islamarkaana si habsami leh ay u socoto daad gureynta dadkaasi.

Dhawaan ayuu sheegay Qunsulka in magaalada Sanca ay kasoo bixi doonto diyaarad magaalada Muqdisho keeni doonta muwaadiniin Soomaaliyeed oo lasoo badbaadiyay.

“Sida ugu dhaqsiyaha badan ayeeynu ugu dadaaleynaa in muwaadiniinta aan dalkaan uga bixinno, inta ay dhibaatada sii badan, ama xitaa ugu badnaan aan dalka dib ugu celinno, xilliga la faa’ideysanayo waa markii dagaallada ay joogsadaan ama xabaddu qabowdo” ayuu yiri Cismaan.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa u suurta gashay in dalka ay dib ugu soo laabtaan inkastoo ay dhibaatooyin kula soo kulmeen dalka Yemen.

Goobjoog News