U bood dhigaalka

“Safarka Kooxda Som United Waxa Uu Kusoo Aaday Xili Loo Baahnaa”Axmed Xassan Xidig

Sheeko:Cayaaraha

Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay waxaa dalka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday macalimiin iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo badankooda ku barbaaray qurbaha,iyagoo ka kala yimid wadamo badan oo yurub ah waxayn arinta dhiiri gelin weyn u noqotay ciyaaraha gudaha iyo kooxaha ka dhisan Soomaaliya.

18-December 2018-Caasimada Muqdisho waxaa soo gaaray kooxda kubbadda cagta Som United oo ah naadi Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka afaraad ee wadanka Sweden yoolkooda ugu weynaa waxa u ahaa is-dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ogaadaan is badalka ka jira Soomaaliya  si dhalinyaradda ku dhashay qurbaha loo tuso dalkooda hooyo.

“Aniga oo ka mid ah qurbajoogta reer Sweden Goobjoog waxaan ugu mahad celinaynaa barnamijyadii quruxda badnaa ee aad ka samayseen socdaalkii  kowaad ee Som United  taas oo si weyn usoo jiidatay waaladiin badan oo caruur badan ku dhalay qurbaha markii ay daawadeen habka loo sameeyay barnaamijkii ku saabsanaa safarka kooxda Som United waxaa is badalay dareenkooda waxayna iminka qorshaynaynaa in ay dalka ku soo laabtaan””waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Axmed Xassan Xarabi Xidig  oo ah qurbajoog ka yimid wadanka Sweden  iminkana ku sugan caasimada Muqdisho.

26-December 2018-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda  Som United,Khayre ayaa dhageestay fikirka dhalinyarada ku koray qurbaha ee ku aadan  horomarinta wadanka,isagoo si guud mahad celin ugu diray dhamaan kooxihii qurbajoogta ee sanadkii tagay 2018 dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka.

“Sheekada ugu weyn ee maal mahan ka jirta Sweden waa ka hadlida safarkii taariikhiga ahaa ee kooxda Som United sanadkii dhamaaday 2018 ay ku imaadeen caasimada Muqdisho iyo qaabka wanaagsan ay u soo dhaweeyeen madaxdda dowladda iyo qurbajoogta kasoo laabtay Sweden”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka isboortiga  ugu waramay Axmed Xassan Xarabi Xidig oo ka mid ah qurbajoogta reer Sweden.

Si kastaba maamulka kooxda Som United waxa ay balanqaadeen in sanadaha soo aadan ay booqan-doonaan dhamaan gobolada dalka si dhalinyarada ku koray Sweden ay u bartaan dhaqanka dalkooda hooyo Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Waraysiga Axmed Xassan Xarabi Xidig

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/387378165400147/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle