U bood dhigaalka

“Safarkeena Soomaaliya Waxaan Ka Baranay Wax Badan Oo Guul Inoo Horseeday”

Sheeko:Cayaaraha

Koox ka socotay qurbaha kana timid dalalka Egland,Sweden,Canada,America iyo Kenya

Safar kala duwan sanadihii lasoo dhaafay ku qaadatay wadamo badan oo caalamka ayaa intii u dhaxaysay 17 ilaa 30-Otober caasimada Muqdisho usoo gaartay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho.

Waxa ay la dheeleyn naadiyada horyaalka kubbadda cagta dalka ee kala ah Elman,Heegan,Dekedda iyo Horseed,iyagoo ciyaartii u danbeesay Muqdisho ku dheelay xili habeen ah waxayna u aheyd taariikh weyn sida ay inoo sheegeyn.


Qaar ka mid ah Ciyaartooyda kooxda qurbajoogta weligood maysan arkin dalkooda hooyo ee Soomaaliya, iyagoo ku barbaaray wadamada yurub,balse waxa indhahooda ku arkeyn horomarka iyo shaqooyinka kala duwan ee dalka ka socda.

”Qurba joogta Soomaaliya waxay ka aaminsan yihiin dalka in ay jiraan dhibaato badan,balse ani ahaan waxaan arkay maalmihii aan joogay waxa ay aheyd wax ka weyn wixii la ii sheegi jiray saacada kasta iyo waxyaalaha aan ka aqristo baraha bulshada”sidaas waxaa Goobjoog Sports u sheegay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa wafdiga kooxda qurbajoogta

Kaliya uma aysan imaanin ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho sidoo kale waxa ay ka qeyb qaateyn olalaha nadaafada garoonka Stadium iyo dib u dhiska tiyaatarka qaranka,iyagoo balan qaaday in ay gacan weyn ka gaysandoonaan soo kabshada iyo dib u dhiska dalka.

“Sida naloo soo dhaweeyay iyo marti qaadyadii kala duwanaa ay inoo sameeyeen madaxda dowlada,shacabka iyo bahda ciyaaraha dalka ayaa inoo ahaa cashar waanse ugu mahad celinaynaa qof walbo oo kaalin ka qaatay wixii aan ka samaynay caasimada Muqdisho” waxaa sidaas inoogu waramay Maxamed Macalin oo isna ka mid ah maamulka kooxda qurbajoogta.

“Safarkeena waxaa kasoo haray dhowr laacib kuwaas oo ay walidiintooda ay inoo diideyn in ay Soomaliya noo soo racaan,balse markii ay arkeyn howlihii iyo wixii aan ka qabanay barabaha bulshada ayay nagu dhaheyn sanadaha danbe waa diyaar caruurteena taasina waa inoo farxad iyo guul”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Cabdirashiid Islaw oo ka mid ah maamulka kooxda qurbajoogta isagana wiilkiisa soo waday

Maxaa Laga Faa’iday Safarka Kooxda Qurbajoogta

Dhamaan xidigaha kooxda ayaa ahaa kuwa leh xirfad iyo aqoon waxaan darba isoo tarayay dalabyada ka imaanayay kooxaha ka dhisan gudaha iyo codsiga maalimiinta xulka qaranka oo ahaa in qaarkooda lagu daro,balse waxaa nasiib u yeeshay Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxda qurbjoogta,isagoo ka haray safarka kooxda kana mid noqday xidigaha xulka 23-jirada ee ka qeyb ka galay tartanka is reeb reebka ciyaaraha olimikada Feysal ayaa xulkiisa u dhaliyay gool ay kaga badiyeen dalka Ethiopia kulankii labaad ay labada wadan kuwada dheeleyn Jabuuti

“Sanadaha soo aadan qorshaheen waxa weeye in la wada qaato dhamaan xirfadlayaasha kala duwan ee kooxdan si ay iyagana dalkooda waxa ugu kordhiyaan” waxaa sidaas inoo sheegay Tababare Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa macalinka kooxda qurbajoogta

 

Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada,Maamulka Gobolka Banaadir iyo xiriirka kubbadda cagta ayaa iska kaashanaya in sanadaha soo aadan caasimadaha wadanka lagu qabto ciyaaraha Somali Week oo ay inta badan dheelaan kooxaha ka dhisan qurbaha hadii ay arintaas hergasho bahada ciyaaraha waxa ay qabaan in kooxaha gudaha iyo kuwa qurbajoogta ay yeelandoonaan  saaxiibtinimo iyo xiriir wada shaqeeneyd oo buuxda

Halkan Ka Daawo Safarkii kooxda Qurbajoogta Oo Dhameystiran

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-[email protected]