U bood dhigaalka

Safiir Fiqi oo Goobjoog u Sheegay Sababta 2 Bil Dib Loogu Dhigay Dacwada Badda

Sheeko:Amniga

Dr. Cali Saciid Fiqi oo ah safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dacwada badda ee ICJ uga furneyd Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay muddo 2 bil ah.

Maxkamadda ayaa xukunka ama go’aankaas gaartay kadib markii ay dalabka Kenya ee dib u dhigista u aragtay niyad wanaag iyo iney dhab ka tahay codsigeeda.

Arrintan waxaa kale oo ka cad in Kenya la siiyey fursaddii ugu dambeysay oo qareenno ku qabsan karaan, isla markaana aan laga dhageysan doonin marmarsiyo kale.

Dhinaca kale, caawa golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika ayaa diiday inuu qeyb ka noqdo dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Goobjoog News