U bood dhigaalka

Safiir Tarsan Oo Ugu Dambeyn Kusoo Noqday Dalkiisa Hooyo

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Ambassador  Maxamed Axmed Nuur Tarsan, safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Kenya, kadib markii dowladda Kenya ku ammartay in uu dalkooda degdeg uga soo baxo.

Wararka waxay sheegayaan in diyaaradda uu la socday mudane Tarsan sidoo kale uu saarnaa wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah Axmed Ciise oo xalay soo gaaray Nairobi kadib markii uu ka yimid dalka Sweden.

Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda gaaray meeshii ugu xumeyd, iyadoo dowladda Kenya ka fiirsasho la’aan ku jartay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ayaa la filayaa in jawaab degdeg ah ay arrintan ka bixiso, iyadoo lasoo sheegayo in kulamo arrintan ku aaddan ay ka soconayaan madaxtooyada qaranka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News