U bood dhigaalka

Safiir Tarsan oo Xaqiiqda Ka Qariyey Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa qiray inuu safar ku yimid caasimadda Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya  Kyle McCarter, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”.

Haddaba, Muxuu Qariyey Safiir Tarsan?

Sababta Safarka:  Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya  Maxamuud Axmed Tarsan shacabka Soomaaliyeed uma sheegin waxa safiir Mareykan u fadhiya dal daris ah uu ka soo doonay Soomaaliya iyada oo uu Mareykanka safiir kale u joogo halkan.

Cidda uu la kulmay: Safiirkeenna Kenya, waxaa qoraalkiisa ku qariyey cidda uu la kulmay McCarter, waxa ay ka wada hadleen iyo arrimaha safarka la xiriira.

Arrinta Badda: Kyle McCarter waxaa uu Daily Nation u sheegay inuu arrimaha badda kala hadlay, laakin Tarsan waxaa uu muuqato in ka aamusay.

Faragelinta Mareykanka: Safiir shaqadiisa waa inuu fuliyaa siyaasadda arriamaha dibadda dalkiisa,  Kyle McCarter iskama socon ee waxaa uu u yimid ajendaha Mareykan ah ee muranka badda la xiriira, Tarsan arrintaas sidoo kale waa qariyey, oo kama hadlin.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan si la mid ah madaxda fulinta federaalka ah waxaa isku dayey inuu marin habaabiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intuu islahaa wax deji sii badiyey su’aalaha jawaabta u baahan!

Ugu dambeyntii, markii uu Tarsan xaqiiqda qariyey Goobjoog News waxaa ay Villa Somalia weydiisay arrimaha la xiriira safarka safiir Kyle McCarter, cidda uu la kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen, laakin Villadu ilaa hadda kama soo jawaabin.

Goobjoog News