U bood dhigaalka

Safiirka Finland: Waxaan Taageernaa UNFPA, Ciidamada Qalabka Sida Iyo Booliiska AMISOM

Sheeko:Dalka

Tarja Fernández  oo ah safiirka Finland  ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaan weydiinay nooca taageero ee dowladdeeda bixiso?

Ms Fernández oo arrintaasi ka hadleyso waxaa ay ku jawaabtay“Waan taageernay Soomaaliya, arrimaha banii’aadnimada, taageeradaasi waa mid socota, taas oo gaarta dad fuqarada ugu faqiirsan bulshada, arrimaha qalalaasaha dalka ka jira waxaa u heynaa barnaamij dhameystiran, waxaan taageernaa tababarada ciidamada qalabka sida inaga oo u sii marina howlgalka midowga Yurub, waxaan taageernaa Booliiska UNka oo dhammaantood maanta nala jooga, dabcan waxaan kaloo taageernaa howlaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee dalka inaga oo u sii marina hey’ado caalami ah sida bangiga adduunka, barnaamij aan is leeyahay isbadal ayuu keenay nolosha dadka Soomaalida ee tageerada aan ku bixinyo waa barnaamijka UNFPA kaas oo waxtar u leh hooyada iyo caafimaadka, dadka waa in ay aaminaan in ay adeegyo, helayaan caafimaad iyo in caruurtooda iskuul aadayaan”.

Ambassador Tarja Fernández safiirka  Finland waxaa ay sheegeysaa in dalkeeda ka dhaceen dagaallo sokeeye maanta ay dadka is dhex-galeen, sidaasina loo baahan-yahay in bulshada Soomaaliyeed ku dhaqmaan.

Maanta waxaa ay safaaradda u dabaal-degtay maalinta madaxbanaanida Finland, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin Soomaali iyo ajaanib ah.

Goobjoog News