U bood dhigaalka

Safiirka Jabuuti Ee Soomaaliya Oo Labo Arrin u Tagay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa maanta gaaray safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, isaga oo la sheegay in halkaasi uu u tagay Labo Arrin.

Safiirka oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo xubno kale ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne.

Waxaa soo dhaweynta mas’uuliyiintaan ka qeybqaatay saraakiisha AMISOM ee ku sugan Baladweyne iyo sidoo kale mas’uuliyiinta maamulka gobalka Hiiraan.

Sida ay soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan magaalada Baladweyne, safiirka ayaa Baladweyne u tagay inuu kormeer kusoo sameeyo xarumaha ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti iyo sidoo kale in uu la kulmo madaxda gobalka Hiiraan oo arrimo dhowr ah uu kala shiri doono.

Ammaanka guud ee magaalada Baladweyne ayaa ah mid aad loo adkeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News