U bood dhigaalka

Safiirka Midowga Yurub Veronique Lorenzo Oo Maanta Booqatay Isgoyska Zoobe, Kana Hadashay

Sheeko:Dalka

Safiirka midowga Yurub Veronique Lorenzo oo maanta booqasho ku timid isgoyska Zoobe kaas oo 14-kii bishan oo ka dhacay qarax sababay dhimashada 300 iyo tiro ka badan oo dhaawac ah ayaa Goobjoog News u sheegay sida ay uga murugootay wixii dhacayay.

“Marka hore waxaan halkan u imid si aan murugada ula wadaago oo aan bar-bar istaag u muujiyo dadkiiu waxyeeladu ka soo gaartay weerarkan” ayaa hadaladeeda ka mid ahaa.

Veronique Lorenzo oo sii hadlayeysa waxaa ay tiri “Fariinta ugu horeeysa oo ay dirayaan midowga Yurubna waa in ay barbar istaag u sameyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan halkan u imi si aan indhaheyga ugu arko baaxadda burburkan inta uu gaarsiisanyhay, xaqiiqdii afkii ayaa juuqda gabay oo waan hadliwaayey markan arkay weerarkani uu u xumaa, oo uu ugalaabtay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan, midowga Yurub waxa ay  uu dowladda Soomaliya la  shaqeynayey 25 sano ee la soo dhaafay, jawaabaha degdega ah ee weerarkan aan ka bixinay, waxaan isku duba ridnay gargaar caafimaad oo uu bixiyey xafiiskeenna midowga Yurub qofkasta oo naga mid ahna waxa uu sameeyey bar bar istaag, sidaa darteen maraakiibteenna dagaalka ee joogga xeebaha Somaaliya ayaa suurtagal kadhigay in ay nagu caawiyan farsamo iyo qalab labadaba, sidoo kale howlgalka tababarka ee midowga yurub ayaa si naxariisi ku jirto qabal caafimaad iyo dawo ku deeqay, marka laga soo tago xaaladda degdega ah iyo wixii dhacay, waxaan halkan u imi in aan arko dib u dhiska halkan durbadiiba ka bilowday, iyo in aan la hadlo duqa mogdishu, si aan u ogaado waxa loo baahan yahay, aad beey ii soo jiidatay in durbadiiba tilaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday, oo ah sida halkan loo nadiifiyey iyo mishinka halkan yaalla ee dib wadada loogu dhisayo”.

Dhinaca kale Safiirka Yurub waxaa ay sheegtay in ay rabaan dib-u-dhiska Soomaaliya “haddii aan nahay midowga reer Yurub waxaan rabnaa in aan taageerno dib u dhiska iyo sidoo kale dadka noloshoodii la baabi’biyey, iyo dadka aan u shaqeysan Karin sidii ay markii hore u shaqeysan jireen, duqa magaalada iyo wasiirka qorsheynta Ayaan kala hadleyna sida ugu quman ee midowga yurub uu gacan ugu geysan karo, waxaana leeyahay waxaan sii wadeynaa oo waan sii wadeynaa in aan idinla joogno oo aan idiin muujino barbar istaag”.

Goobjoog News