U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya ee Ankara oo ka hadlay gargaarka Turkiga

Sheeko:Dalka

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga oo waraysi siiyey wargeyska Maalinlaha ah ee dalkaasi kasoo baxa Daily Sabah ayaa sheegey in xiriirka labada dal uu ku taaganyahay dhidibo adag, yahayna mid sii cobcaya.

“Xiriirka labada dad ee dalalkani waa mid sii kobcaya, waxaana sii sahlaya duulimaadka shirkadda ee Turkish Airline taasi oo todobaadkii 4 maalmood Muqdisho ku tagta duulimaad” ayuu yiri.

Isaga oo ka hadlayay mustaqbalka sida la jecelyahay in uu xiriirka labada dal noqdo ayuu yiri “Soomaaliya waxa ay jeceshahay in ay soo jiidato maalgashadayaal Turki ah, gaar ahaan dhinacyada Beeraha iyo Kaluumeysiga”

Safiirka ayaa sheegey in Turkiga ay sidoo kale Soomaaliya u qorsheeyeen miisaaniyad dhan $8.84 malyuun oo doolar sanadkii taasi oo lagu bixinayo dhanka qalabaynta iyo tabobarka ciidamada, wuxuuna intaasi ku daray in illaa 120 booliis ah lagu tabobaray magaalada Ankara.

Maxamed Mursal ayaa waxa ugu dambeyntii sheegey in dadka Soomaaliyeed ay aad u tixgaliyaan Turkiga, islamarkaasina u arkaan si ka duwan dadka kale oo dhan, taasina ugu wacantahay hawlaha ay Muqdisho ka qabteen.

Goobjoog News