U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Oo Ka Hadlay Sababta Dowladda Federaaka u Joojisay Qaadka

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xanibaad ku soo rogtay Qaadkii uga imaanayey dalka Kenya sababo ay ku sheetay in guddoomiyaha Meru, Peter Munya uu u isticmaalay ganacsiga olole lagu kala goynayo dalka.

Safiirka Soomalaiya ee dalka Kenya Jamaal Xasan ayaa sheegay in booqashada Mr Munya uu ku tagey Hargeysa bishii July inay ahayd cadaadis siyaasadeed taas oo keentay in la joojiyo ka ganacsiga Qaadka isagoo intaas ku daray in arrintaasi ay dhaawaceyso midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Safiirka wuxuu sheegay in arrintaas ay abuurtay cadaadis soo food saaray dowladda Soomaaliya islamarkaana la joojiyey Qaadka illaa arrimahaas wax laga qabto oo la xalliyo.

Isniintii ayeey dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday in aysan ogolaaneyn diyaaradaha uga yimaada Kenya kuwaas oo sida Qaadka, kaas oo badankiis ka baxa dalka Kenya.

Bishii July ayaa Mr Munya safar ku tegay Hargeysa oo ah magaalo madaxda maamulka Somaliland ee sheegay inay ka madax bannaan yihiin Soomaaliya inteeda kale, waxaana la isla gaaray in ganacsiga Qaadka laga hirgeliyo gobollada Somaliland islamarkaana la raadiyo aqoonsi ay hesho Somaliland.

Intii uu joogay Somaliland Mr Munya wuxuu la kulmay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka maaliyadda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Mr Jamaal Xasan wuxuu sheegay inay soconayaan wadahadallo wax looga qabanayo  arrintan kuwaa oo lala leeyahay dowladda Kenya si loo gaaro xal.

Xannibaadda la saaray Qaadka ayaa keeneysa inuu khasaare malaayiin ah dhaco, gaar ahaan Soomaaliya oo ah dal loo dhoofiyo Qaad aad u badan kadib xayiraaddii ay saareen Qaadka dalalka Ingiriiska iyo Holand.

Goobjoog News