U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo Goobjoog Fm Uga Warramay Xiriirka Labada Dal, Shaqada Safaaradda, Deeqaha iyo Drones-ka

Sheeko:Dalka

Goobjoog News ayaa wareysi gaar ah Muqdisho kula yeelatay safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Ambassador Axmed Ciise Cawad xilli uu todobaadkan safar gaaban ku yimid dalka, inagoo kala hadalnay shaqada safaaradda, xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, deeqaha, Drones-ka iyo arrimo kale.

Safiirka: Mudane Axmed Ciise Cawad waxaa uu dhashay 1955-tii, Aqoontiisa waa cilmiga siyaasadda, xiriirka caalamiga iyo banii’aadamnimada,  jaamacadeed koobaad: Concordia University Montreal, Master Institute of Peace and security Studies, Adis Ababa University iyo PHD Candidate Sudan University of Science and Technology, Khartoum.

Mudane Cawad waxaa uu ka soo shaqeeyay meelo badan sida 2006-2015 waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan UN-ka isagoo ka shaqeeyay UNMIS iyo UNAMID oo kala ahaa Koofurka Suudaan iyo Dafur, xilligan waa safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.   

Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya:

Soomaaliya waxaa ay xiriir la lahayd Mareykanka illaa xoriyaddii 1960-kii, Safiirradii soo maray waxaa ay kala ahaayeen: Cumar Macalin, Qeybe, Yusuf Azhari, Cabdulahi Adow, Kimiko, Cabdulahi Cadow, Maxamed Xaaji Nuur, Cabdikarim, Cumar Cabdirashid iyo Axmed Ciise Cawad.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa uu marayaa wejigii 4-aad, dowladihii rayidka ahaa ee 1969-kii ka horeeyay waxaa uu Mareykanka la lahaa xiriir aad u fiican, laakiin waxaa ay wax walbo is badaleen markii uu Maxamed Siyaad xukunka qabsaday isagoo xiriir la lahaa bariga iyo midowga Soviet, dagaalkii 77 kadib waxaa dib u soo noqday xiriirka labada dhinac hadana waxaa uu xumaaday markii uu Caydiid ka dilay 18 askari October 1993-dii isla markaana uu fashilmay qorshihii uu Mareykanka horkacayey ee rajo soo celinta, hadana waxaa ay markii ugu horeysay Mareykanka Soomaaliya aqoonsadeen 2013-kii oo ah xilliga dowladda hadda jirta ee Xasan Sheekh.

Hadaba isbedelladaas kala duwan ee xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, hadda sida uu yahay, deeqaha ay bixiyaan, taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, drones-ka iyo arrimo kale ayaa kala sheekeysanay Safiirkeena dalka Mareykanka Mudane Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News.

Wareysiga Safiirka:

Goobjoog News: Ka waran shaqada Safaaradda Soomaalida ee Washington?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Walaal waa su’aal fiican, waxaa jirta in maanta Washington aanu ku leenahay safaarad Soomaaliyeed oo shaqeyneysa kadib markii aan in muddo safaarad la’aan ahayn, shaqadeenu si fiicanbey u socotaa.

Goobjoog News: Wax Isbedel ah adiga Ma ku soo kordhisay Safaaradda?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Horta marka uu Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashid halkaa Safiir ka ahaa shaqo fiican ayuu qabtay, Xafiis ayuu kireeyay, Baabuur ayuu safaaradda u gaday, waxaa uu sidoo kale bilaabay xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, anagu tii baanu ku sii darnay, waxaan sameynay safaaraddii ayaan qalabeynay dhismaheedii, shaqaalihii baanu kordhinay, waxaa ay isugu jiraan safiirro dowladda Soomaaliya magacowday iyo kuwo waqtigoodu ku deeqay oo ah Soomaalida Mareykanka ku nool..Marka safaaraddii hadda waxaa ay u shaqeyneysaa sida safaaradaha kale ee washinton ku yaalla.

Goobjoog News: Adigoo Dal Weyn Matalaya, Maxaa Keenay in aad Guri Kiro ah Ku Shaqeyso?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Wey fiicnaan lahayd ineynu hanti leenahay, dalalku waxaa ay u badan yihiin in ay leeyihiin safaaradahooda, guryaha safiirrada iyo shaqaale kale ee safaaradda, waqti badan ayey dowladnimadeenu dhaawacneyd, hadda xafiis ayaan leenahay, hanti waa la iska gaari doonaa.

Goobjoog News:  Maxaa keenay in Safaaradda ama Guriga La iibiyo markii hore?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Horta walaal, waxaa jiro Xafiiska safaaradda iyo deegaanno, xitaa markii hore oo ay dowladeena jirtay ma lah’ayn dhul safaarad-waa ley sixi karaa- xafiisyadu kiro ayey ahaayeen oo waxaa ay ku yaaleen Watergate, waxaa jiray guri uu safiirka degenaa oo guri weyn ahaa oo faras magaalada ku yaalay, gurigaas weeye guriga markii ay dowladnimadeenu burburtay ay qasab noqotay in la iibiyo, lacagtii lagu iibiyeyna dowladda Mareykanka ayaa heysay oo la sugeysay dowlad Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay in ay dhalato, waa midda hadda lagu bixiyo kirada xafiiska.

Goobjoog News:  Aqoonsiga Mareykanka kadib, Maxaa is bedelay?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Waxaan ku soo noqonay caalamka, waxaan yeelannay shakhsiyad caalami ah, International Law-ga qof ma timid haddii aadan lahayn dowlad la aqoonsan yahay, markaa weynu helnay, ka bacdina waxaan bilownay in aan xiriirka sii xoojinno.

Xiriirka in uu xoogeystay waxaa ka mid ah dhaq-dhaqaaqyada Mareykanka iyo teerada ay na sii yaan, waxaad og tihiin sanadkii la soo dhaafay in wasiirkooda arrimaha dibadda uu xamar yimid, hadda waxaa ay bilaabeen in safiir buuxa ay Soomaaliya u magacaabaan oo hadda ay socoto ogolaashiyahiisii, waxaana la filayaa in bisha soo socota ka howlgalo Nairobi.

Markii ugu horeysay ayaa madaxda Soomaalida laga martiqaaday shirar ka dhaca Washinton in ay ka qeybgalaan.

Goobjoog News: Wax Nooga Sheeg Taageerada Mareykanka ee Soomaaliya?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Mareykanka qaabab kala duwan ayey Soomaaliya u taageeraan, qaar waxaa ay soo mariyaan hay’adaha UN-ka, qaar waxaa ay soo mariyaan hay’adahooda, taakuleyn banii’aadamnimo, kuwa hor u marineed, waxaa ay qabaan USAID, AMISOM lacag ayey siiyaan, waxaa kaloo jirta lacag ay toos u siiyaan dowladda ama xitaa tababaro iyo arrimo kale oo ay naga caawiyaan.

Goobjoog News: Mareykanka Sidee u soo Dhaweeyaan Madaxda Maamul Goboleedka?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: waxaa loo soo dhaweeyaa sidii madax Soomaaliyeed, laakiin tusaale madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas markii uu imaanayey waxaa uu la soo xiriiray safaaradda Soomaaliya, safaaradda ayaa u sheegtay dowladda Mareykanka in uu imaanayo, safaaradda ayaas oo dhawesay, dowladda Soomaaliyeedbaa soo dhaweysay..dowladda Mareykanka waxaa ay aqoonsan tahay in dowlad Soomaaliyeed ay jirto oo la aqoonsan yahay oo uu madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh oo ra’isul wasaare iyo baarlamaan leh, laakin madaxda maamul goboleedka waxaa loola dhaqmaa sida madax maamul goboleed…taasi ma reebeyso in hey’adaha Mareykanka aanay ka shaqeyn gobollada dalka, waxaa ay ka shaqeeyaan Somaliland, Puntland, Kismaayo iyo gobollada dhexe, dowladda Soomaaliyeedna waa og tahay.

Goobjoog News: Ka waran Taageerada ay Mareykanka siiyaan Bulshada Rayidka ah?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Dal si uu horumar is maamul iyo dowladnimo u gaaro waxaa uu u baahan yahay xubnaha dalkaas oo dhan in ay gacan ka geystaan sida dowladda iyo dadka aan dowladda ku jirin oo loo yaqaano bulshada rayidka ah, bulshada rayidka kaalin weyn bey ciyaartaa, waxay taakuleysaa hey’adaha dowladda…marka Mareykanka dalal badan si ay u horumariyaan dowlad wanaagooda bulshada rayidka ayey xoojiyaan..bulshada rayidka Media ahaa ka mid ah adiganka ayaa ka mid ah, markii aad fiican tihiin oo xog ogolaanimadiina ay fiican tahay waxaad ciyaareysaan kaalin fiican.

Goobjoog News: Ma jirtaa in Mareykanka uu Adeegsaday Dalal kale isagoo la dagaalaya kooxo Soomaaliyeed.

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Anugu ma ogi in Mareykanka uu dal 3-aad adeegsaday, Kenya, Itoobiya iyo Uganda waxaa ay ka mid yihiin AU-da, Afrikaanka iyada ayaa go’aan ku gaaray in ay noosoo diraan ciidamo, Mareykanka AU-da waa kaalmeeyaa, dalalka kale waa kaalmeeyaa..laakin Mareykanka waa uu adeegsadaa Drones oo waad ka warheysaan in maalin dhaweyd si toos ula dagaalameen Al-shabaab.

Goobjoog News: Mareykanka Marka uu Duqeyn geysanayo Ma kala hadlaa Soomaaliya, Mise siduu rabo ayuu ka yeeshaa Soomaaliya?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Siduu rabo ayuu ka sameeyaa kuma dhihin anigu….laakin wey duqeeyaan baan ku dhahay?

Goobjoog News: Sabab

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Maxaa rabtay in aan Shabaab la duqeynbaa?!

Goobjoog News: Su’aasha aan ku weyniinay waa Duqeynta Mareykanka uu dhulkeena ka geysanayo, Dowladda Soomaaliya ma lagu wargeliyaa?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Dal lama duqeyn walaal, Waxaa la duqeeyay dad ay Soomaalida raali ka tahay in la duqeeyo, dowladda Soomaaliyeedna waa og tahay…Dowladda Soomaaliyeed waa dagaalantaa wixii kaloo ay hiil u heli kartana waa raadisaa.

Goobjoog News: Ka waran Rayidka Duqeymaha ku dhinta?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Ma jirto Mareykanka duqeyn ay ku dileen rayid, ma ogi in aan ka hadleyno Ciraaq iyo Afgaansitaan, ma jirto rayid ku dhintay duqeynta ay Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya.

Goobjoog News: Ka waran Mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka?

Ambassador Axmed Ciise Cawad: Big Time,  waxaa iman doonta in Baasaboorkeena uu fududaado, deeqo waxbarasho ay ardeyda helaan, Marekanka waxaa ay jecelyihiin in dalkooda ay arday dhaqamo kala duwan wax ku bartaan oo ardayda ay faa’iidaan..marka dalkeenu haddii uu cagihiisa isku taago wax badan ayaa fududaanaya.

Goobjoog News