U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Oo Ka Hadley Dhalinyaro Mareykanka Ku Xiran Iyo Trump Iyo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Cawad Ciise ayaa sheegtay in aysan awood u laheyn in ay ka hadasho dhlainyarada Soomaaliyeed ee lagu maxkamadeynayo dalka Mareykanka sharciyada wadankaas u yaala  darteed.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo wareysi siiyay Goobjoog News  ayaa sheegay in intabadan dhalinyarada Soomaalida ah ee lagu maxkamadeyay Mareykanka ay dhalasho ahaan yihiin muwaadiniin Mareykan ah oo sidaasi darteedna aanay u sahlaneyn saafaarada in ay ka hadasho.

Safiika waxaa sidoo kale uu kahadlay saameynta doorashad Donald trump ay ku yeelan karto xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka .

Axmed Cawad Ciise oo ah safiirka Soomaaliya ufadhiya Mareykanka oo isagoo kusugan Magaalada Washinton  ayaa waxa uu sheegay in safaaradda Soomaaliya aysan awood iyo tabar inta u awoodin dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu maxkamadeydanaayo dalka Hindia waxa uuna sheegay ineysan ka safaarad ahaan aysan waxbo u tari Karin.

“Safaaradda ma faro galin karto  kamana hadli karto sida qof Soomaali ah oo maxkamada  Soomaaliya la saaro sida aysan Mareykanka uga hadli Karin ayaanan  inagana taas uga hadli Karin,  safaaradda Mareykanka aysan shuqul kulaheyn”.