U bood dhigaalka

Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya: Saldhig Militari Nooguma Yaallo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in booqashadii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Soomaaliya 19 August 2011-kii,  ay badashay mustaqbalka dalka, ayna soo nooleysay rajadii shacabka Soomaaliyeed.

Bekar waxa uu tilmaamay in Turkiga uu si weyn uga qeyb qaatay horumarka Soomaaliya intii lagu guda jiray afartii sano ee ugu dambeysay, isaga oo ka fuliyey mashaariica kala duwan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka.

Safiirka Turkiga waxa uu intaasi ku daray “Ujeedkeenna waa horumarinta bani’aadanimada iyo in xal loo helo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan walaalaheenna Soomaaliya iyo in naloshooda ay ku soo laabato sidii hore ee dabiiciga aheyd, waan sii wadeynaa shaqadeenna iyo talaabooyinkeena ku aadan dhinacaani”.

Waxa uu tilmaamay in shaqada Turkiga ee Soomaaliya aysan ku ekeen guud ahaan hay’adaha dowladda, balse ay ka qeyb qaateen iskaashiga ay la sameeyeen ururada bulshada iyo hantida guud iyo midda gaarka loo leeyahay.

Waxa uu sheegay in hay’adaha Turkiga, oo ay ka midka yihiin Istanbul Metropolitan Municipality iyo bisha cas ee Turkiga ay ka qeyb qaateen badalidda magaalada Muqdisho in ay u badalaan magaalo barwaaqo, ka dib markii in badan oo ka mid ah magaalada ay ka cabaneysay dhibaatooyin la xiriira, dhanka nadaafadda, dayacaada iyo amni darrada, kaasi oo ka dhigaya in mooralka dadka uu soo wanaagsanaado.

Safiirka Turkiga, waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinka ay ka sheeganayaan hay’adaha dowladda Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991, markaas oo ay socdeen loolanno gudaha ah, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la kordhiyo awoodaha hay’adaha  dowladda si ay shacabka ugu adeegaan.

Safiir Bekar waxa uu sheegay in hogaanka ciidamada Turkiga ee jooga Soomaaliya ay si weyn uga qeyb-qaataan tobabaridaa ciidamada Soomaaliya ee dhanka amniga.

Waxaa uu cadeeyay in saldhigga Turkiga ee ku yaallo Soomaaliya uusan aheyn saldhig millatari, balse uu yahay xarun tobabar oo bahwadaag ay Soomaaliya kula yihiin, warbaahinta ay arrintaasi isku qalado.

Waxa uu carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya  Olgan Bekar in ciidamada lagu siiyo tobabarka xarunta Turkiga ay ahaan doonaan laf dhabarta ciidamada Soomaaliya xilliyada soo socda,ayna tahay tallaabo sax ah oo keeneysa kalsoonida iyo taageerada aragtida guud ee Soomaaliya.

Goobjoog News