U bood dhigaalka

Safiirka Turkiga Oglan Bekar Oo Goobjoog Uga Waramay Mashariicda Ay Fuliyaan Iyo Taageerada Ay Siiyaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Turkiga waxaa uu ka mid yahay dalalka xiriirka soke la leh Soomaaliya, waxaa ay Muqdisho ka hirgeliyeen mashaariic aad u badan, waxaa ay sidoo kale Soomaaliya ka taageeraan ciidanka.

Goobjoog News ayaa arrimahaasi wareysi kala yeelatay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Oglan Bekar isaga oo sidoo kale ka hadlay  sida ay u taageerayaan hey’adaha dowladda sida duulista hawada iyo ururka shaqaalaha.

Waxaad marka hore warbixin inga sii saa halka uu marayo xiriirka Turkiga kala dhexeeya dowladda Madaxweyne Farmaajo?

Marka hore waxaan u mahad celinayaa Goobjoog, xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waxaa uu ahaa Lixdii sano ee la soo dhaafay mid aad u wanaagsan, maantana waxa uu taagan yahay meel aad u sarreysa, xiriirkuna kuma koobna oo kaliya mid siyaasadeed waxaa jira kuwo kale oo wajiyo badan, sida mid dhaqan iyo ganacsi iyadoo booqashadii Ra’iisul wasaare Kheyrana ay sii xoojisay xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, waxa uuna booqashadiisa Turkiga uu kula kulmay madax sare oo Turki ah, kuwaas oo uu ugu horreeya madaxweynaha Turkiga, wasiirka Arrimaha Dibadda, wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Xoogga dalka Turkiga, kulamadaasna waxaa xoogga lagu saaray sidii loo sii Horumarin lahaa xiriirka Labadda Dal.

Ra’iisul wasaaraha dalka dhowaan waxa  uu sheegay in xiriirkii ka dhaxeeyey Turkiga iyo Soomaaliya uu isku badelay mid ka qoto dheer kii Hore arrinkaas manoo macneyn kartaa?

Dowladda Turkigu waxa ay markasta garab taagneyd dowladda  iyo shacabka Soomaaliyeed Soomaaliyana waa inoo muhiim in dhinac kasta aan ka taageerno, maadaama Soomaaliya ay la tacaaleyso argagixiso dhinaca amniga in horumar laga sameeyo waa muhiin, sidaa darteed dowladda Turkigu waxa ay kor u qaadeysa gar gaarka amma kaalmada ay Soomaaliya siiso.

Kaliya xiriirka amni in la xoojiyo kuma koobna qorshuhu ee waxaa jira mid dhaqaalle oo aan ku rajo weynaha in laga mira dhaliyo innaga oo dhowaan rajo ka qabna in aan dhisno gole ka kooban wasiiradda labadda dalka oo noqonaya kuwo dhanka dhaqaalaha, waxaanna aad ugu rajo weynahay in aan qorshahaas u sii ballaarino mid ka turjuma Istaraatiiyida wax wada qabsi oo guuleysata.

Waxaa jira dalal badan oo Soomaaliya caawiya, dhowaana waxaad ka sheegtay sanad guuradadii aas aaska Jamuuriyadda Turkiga in aad siineysan taageero military Soomaaliya, haddaba caaawimaadiinnu maxay uga duwanaan doontaa kuwa Soomaaliya ee ay siiyaan dalalka  kale Ea caalamka?

Markasta kaalmada aan Soomaaliya siineyno waxaa ay ka duwneyn kuwa dalalka kale ay siiyaan Soomaaliya gaar ayeyna ka aheyd, kaliya siimeyno kaluun ee waxaan bareyna sida kaluunka loo la soobaxo, dhanka ammaankana ma ahan wax hadda biloowday tan iyo 2011 ayaan ku guda jirnay sidii aan u caawin laheyn ciidamadda Ammaanka ee Soomaaliya, taasna waxaa dakiil u ah xeradda Militari ee aan dhowaan dalka ka hirgelinay, taas oo lagu tababari doono saaakiisha iyo saraakiil xigeenada ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo  laf dhabar u noqon doona dib u yagleelida ciidamada Xoogga dalka.

Xaruntan tababarka ee hadda aan furnayna inta ogaalkeyga ah waa tii ugu horeeysay ee Soomaliya laga furo in muddo ah oo lagu tababarayo saraakiisha Soomaaliyeed waana xarun aad muhiim uh maadama lagu tababarayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenadda, markaam maalin dhoweeyd hadalka jeedinayana waxaan sheegay in aan argagixisada kaan ka caawineyno soomaaliya sidii argagixisada loola dagaalamilahaa taasna waa mid sax ah oo naga go’an.

Magaladda Muqdisho waxaa ka dhacay todobaadyadii la soo dhaafay qaraxyo waaweyn oo qaarkood dad badani ku geeriyoodeen idinkuna waxaad furteen xarun ciidanka dowladda lagu tababaro, marka cabsi dhanka ammaanka la xiriirta ma idinku heysaa?

Maya nama baqdingelinayaan  qaraxyadda dhacaya, maxaa yeelay waxaan dalka nimi xilli iminka ka xun oo ah 2011-kii madaxweynaaheenna oo xilligaa Ra’iisul wasaare ahaa ayaa yimid Soomaaliya isaga iyo qoyskiisa iyadoo lawada ogsoonyahay xaaladdu sida ay waagaa aheyd.

Waxaa runtaa qaraxyadda iyo ammaan darada jirtaa waxaa xaqiiq dalka ka jirta, lakiin u jeedkeennu waa in ay Soomaaliya ay cagaheeda ay isku taagto caadina ay ku soo noqoto hadafkeenuna waa kaa soomaaliya oo amni ah, in xiriir laga dhaxeysiiyo xarunta ciidan ee aan Muqdisho ka furnay iyo amni darada waxaan u aragnaa arrin ay niyad xumo la socoto.

 Markii dalkan ay ka dhacday macluusho 2011-kii dalkiinnu waxa uu ahaa dalkii ugu horeeyey ee Jawaab ka bixiya baahiyii dalka ka jiray wixii intaa ka dambeeyey wadamo kale ayaa soomaaliya imaanayey oo Safaaradda iyo xarumaba ka furtay, madaxweyne Erdogan mar uu dhowaan hadlayna waxa uu sheegay in Soomaaliya adduunku uu dayacay arrinkaa Bal fasiraad ka bixi, ma waxaa idiin muuqda in Soomaaliya la dayacay?

Waa runtaa wixii ka horeeyey 2011-kii adduunku waxaa uu hilmaamsanaa Soomaaliya sanadkaa wixii ka dambeeyey waxaan aragnay in dunidu ay soomaaliya imaaneysay iyadoo wadamo iyo hay’addo caalami ah ay Soomaaliya xarumo ka furanayeen, laakiin su’aallo waxaa laga keeni karaa ma qabteen wixii looga baahnaa, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa caalamka in ay soomaaliyo taageeraan si ay uga baxdo dhibaatada ay manta ku jirto.

Turkigu soomaaliya waxa uu ka sameeyey Mashaariic horumarineed kuwaas oo ku qotoma waxbarashada iyo kaabayaasha dhanka dhaqaalaha iminkana waxaad sameeyseen balan qaado kale oo dheeraad ah waxaa maxay wax ugu dhow ee hadda laga filan karo Turkiga?

Soomaaliya kaliya kama taageerno arrinta ku saabsan dhanka Gargaarka ee waxaan sidoo kale xoogga Saarnaa barnaamijyadda horumarineed, kuwaas oo laga arki karo meelkasta.

Haddana waxaan rabnaa in waxqabadkaa aan sii kordhino waxyaabaha aan hadda qabanayna waxaa ka mid ah in aan meel ay ku shaqeyso u dhisnay hey’adda Duulista hawada iyo in aan urur ka mid ah ururadda Shaqaalaha aan u dhisnay dhismo ay ku shaqeeyaan, magaaladda jowharna waxaan ka hirgelindoonnaa mashruuc la xiriira waraabinta beeraha iyo sidii looga faa’iideysan lahaa biyaha Wabiga waa mashruuc aad u ballaaran waxaana fileynaa in dhawaan aan hirgelindoono.

Waxaa la joogaa 2017-da waxaad Soomaaliya Timaadeen 2011-kii rajadii aad qabteen maalinkii aad Soomaaliya timaadeen iyo himilihiinnii maxaa iska badelay sidii aad rabteen wax ma u socdaan?

Marxaladdii ay Soomaaliya ku sugneed 2011-kii iyo 2012-kii indhaheyga Ayaan ku arkay sida ay xaaladdu aheyd Soomaaliya waxa ay ku tilaabsatay horumar weyn waxaad arkeysaa in hadda dadku ay habeenkii Socdaan oo ay dukaameysanayaan qofkastana meeshuu rabo aadayo, taas ayaana ah wax aa noo farxadgeliya waxaana isku aragnaa in aan gacan weyn ka geysanay waana ku faraxsanahay, waxaa yaalla howlo badan oo u baahan in laqabto waxkasta in sidii loogu tala galay loo qabtana waxa ay u baahan tahay waqti iyo shaqo.

Soomaaliya waxa ay leedahay Keyd badan oo ay ka midyihiin beeraha, xoolaha, kaluumesiga iyo in ay Soomaliya leedahay dad u badan dhalinyaro inta aan soo tiriyana waxa ay kaalin mugleh ka qaadanayaan  soomaaliya sidii ay u hormari laheyd.

Waxaan mararka aragnaa in madaxda Soomaalidu is khilaafto sideed arrimhaas u aragtaan haddii aad tihiin Turkiga maxaadse ku leedihiin madaxda Soomaalida oo aad u direysaan?

Waxwalba waxaa ugu muhiimsan wadajirka iyo midnimada waxaana arkeynaa in ay Soomaalidu marka ay is khilaafaan aysan dhihin khilaafku maxuu u dhacay oo inta meel ay yimaadan ay dhameeyaan sida dhaqankooda ah, waxaa waxlagu farxo mah in dhammaantood ay maanta ay isla jogaan oo khilaafkooda kawada hadlayaan iyadoo qori aan la isku wadan oo lawada hadlayo waxaana ku guubaabinayaa in midnimadooda ay ku dadaalaan waxkastana lagu xalliyo Isfahan.

Wareysiga waxaa qaaday oo qoray.

Axmedweli Xuseen Maxamuud

Tifaftiraha Guud ee Goobjoog