U bood dhigaalka

Safiirkii Ruushka u Fadhiyay Soomaaliya oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Safiirkii hor ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Ruusha Ambassador  marxuum  Maxamed Maxamuud Xandule ayaa shalay galab lagu aasay magaalada Hargeysa.

Danjire Maxamed Maxamuud Xandule oo 3-da August 2016  ku geeriyooday magaalad Mosko ee dalka Ruushka ayaa galabnimadii shalay  waxa maydkiisa laga soo dejiyey garoonka Cigaal ee Hargeysa , waxaana aas loogu sameeyey xabaaha Naasa-hablood ee waqooyiga Hargeysa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland  guddoomiyaha baarlamaanka ,  xildhibaanno, ehelada marxuumka iyo dad ay saaxiibbo dhaw ahaayeen .

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland  Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isagu ahaa masuulkii xilka safiirnimo ku wareejiyey  Xandulle ayaa ka sheekeeyey sideed sanno oo ay safaaradda ka wada shaqeeyeen, “ anigu waxaan xilka danjirenimo uga horeeyey  marxuumkan aynu maanta xabaashiisa joogno, markii aan xilka safiirka Ruushka ee Soomaaliya aan ka tagaayeyna isaga ayaan ku wareejiyey “ ayuu yiri  guddoomiye Cirro.

Wasiiro  ka tirsan xukuumadda Somaliland oo iyaguna ka hadlay taariikhda marxuum Maxamed Maxamuud Xandulle ayaa waxay ku amaaneen inuu cadaalad u samayn jiray Soomaalida gaar ahaan fursadaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed laga siiyo dalka Ruushka.

Xildhibaano ay waxbarashada hoose, dhexe kawada bilaabeen magaalada Burco ayaa ka sheekeeyey iyaguna noloshiisii ardaynimo , waxayna dhammaantooda tacsi u direen ehelka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu  ka baxay  marxuum Danjire Maxamed Maxamuud Xandule.

Taariikhda Marxuumka

Qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay geerida iyagoo sheegay in uu dhowr bil yaallay Isbitaal halkaasi ku yaalla oo lagu daweynayey, in kasta oo dhawaan safiir cusub halkaasi loo magacaabay hadana Xandulle weli  wuxuu ahaa safiirka Soomaaliya ee Ruushka oo ninka cusub warqadaha lagama guddoomin.

Dr. Maxamed Maxamud Xandulle waxaa uu dhashay  1950-kii, waxaa uuna ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya.

Waxbarashadiisii hoose waxaa uu ku qaatay Soomaaliya isagoo dhameeyay dugsiga sare ee caanka ah ee Sheekh.

Dalka Ruushka ayuu waxbarasho u aaday, waxaa uu cilmiga Falsafadda ka diyaariyay jaamacadda MGU ee dalka Ruushka isagoo ka qaatay ilaa PhD.

Xiligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre,  Maxamed Maxamud Xandulle waxaa uu ka tirsanaa xisbiga hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

90-meeyadii qarnigii tagay markii PhD-da ka diyaarinayey Ruush-ka waxaa uu ahaa guddoomiyaha Soomaalida ku nool Ruush-ka xiligaas uu adeeg fiican u qabtay Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan ardeyda wax ku barata dalka Ruush-ka.

2000: Waxaa loo magacaabay Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka isagoo jagadaasi hayey muddo 3 sano ah.

2003-2016: Waxaa uu ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka., warqad dowladda Soomaaliya ay soo saartay waxaa lagu sheegay in 2007-dii uu safiir noqday.

Xusuus:

Dr. Maxamed Cabdi Cusmaan oo la hadlay Goobjoog News, aqoon fiicanna u lahaa marxuumka ayaa sheegay in lagu xasuusto deeqo waxbarasho mudadaas 16-ka sano ay ardeyda Soomaalida ka heleen dalka Ruushka, isagoo isgarab taagay ardeyda Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan.

Xiriirka labada dal, Ganacsiga iyo arrimo kale ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu soo xasuusto safiirka Maxamed Maxamud Xandulle iyo shaqadii uu u qabtay Soomaalida ku nool Ruushka xiligii uu ahaa guddoomiyaha Soomaalida ee Ruushka.

Ilaahay ha u naxariisto waxaa uu ifka uga tahay gabar dhakhtarad ah.

Goobjoog News