U bood dhigaalka

Safiirkii Soomaaliya Ee Midowga Yurub oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa goordhow  guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulaasi u doortay safiirkii hore ee Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siiciid Fiqi.

Hoolka ay ka dhaceysay doorashada guddoonka ayaa waxaa soo xaadiray 92 xildhibaan waxaana guddoomi yaha u codeysay 86 mudane, waxaana xumaaday 8 cod halka ay ka maqnaayeen goobta 3 xildhibaan.

Guddoomiya la doortay ayaa waxaa xilka kula loolamayey Maxamed Cabdi raxiin  Nuur kaas oo helay 2 cod, sidaas ayuu Dr. Cali Siciid Fici uu ku noqday guddoomiyaha cudub ee baarlamanka labaad ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada madaxbannaan.

Mudanayaasha oo aaday salaadda iyo qadada ayaa lagu wadaa in soo noqodka ay doortaan guddoomiye ku-xigeenka koowaad  oo ay ku loo lamayaan labo ruux oo kala Maxamed Nuur Macali iyo Aamino Isxaaq Maxamed  midka labaad  ayaa kaliya waxaa u taagan Shamso Maxamed Yaroow.

Goobjoog News