U bood dhigaalka

Salaad Cali Jeelle: Dowladda ha soo af jarto howl gallada dagaal dhamaadka sanadkan

Sheeko:Dalka
Salaad Cali Jeelle
Salaad Cali Jeelle

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in howl galka loogu magac dartay Bad waynta Hindiya lagu soo af jaro dhowrka bilood ee ka hartay sanadkan si 2015-ka dalka looga hir geliyo doorashooyin xor ah.

Wasiir ku xugeenkii hore ee wasaaradda gaashaandhiga ee dowladii KMG ahayd ahna guddoomiyaha xisbiga midnimada iyo cadaaladda Salaad Cali Jeelle oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in howl galkan loogu magac daray (Indian Ocean) uu yahay mid guul ku dhow maadaama ciidamada dowldda iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen deegaano ay horay u joogeen xarakada Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay ciidamada qeybaha kala duwan ah ee iska kaashanaya howl galkan in aysan hakad galin si uu howl galku u guuleysto.

Salaad Cali Jeelle ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in mudada ka dhiman sanadkan lagu soo gaba gabeeyo howl galka dagaal ee ciidamda dowlada iyo kuwa AMISOM ay kula jiraan xarakada Al-Shabaab si sanada 2015-ka dalka oo amaankiisu sidaan ka wanaagsan yahay loogu qabto doorashada xorta ah ee la filayo.

Hoos ka dhageyso codka Salaad Cali Jeelle: