U bood dhigaalka

Salaad Roob Doon Ah Oo Laga Oogay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho laga oogey salad roob doon ah, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo sidoo kale culimo Soomaaliyeed ay ka qeybgaleen tukashada salaaddan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale ayaa kamid ah xubnaha ka socda dowladda ee wax ka oogay salaaddan.

Culimo Soomaaliyeed iyo sidoo kale arday laga keenay dugisayada Qur’aanka ee magaalada Muqdisho ayaa iyaguna kamid ahaa dadkii Tukaday salaadda Roob doonka ah ee laga oogay masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Waxaa hadda socda khudbadaha ay jeedinayaan culimada Soomaaliyeed, waxayna culimada Soomaaliyeed shacabka ku baraarujinayaan iney isku gurmadaan.

Dhanka kale meello badan oo dalka ah waxaa maanta laga oogayaa salad roob doon ah.

Dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana meelaha qaar harraad iyo gaajo darteed ugu geeriyooday dad iyo duunyo.

Madaxweyne  Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa 12-kii bishan ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in maanta oo Talaado ah ay sameeyaan isku soo bax roob doon ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News