U bood dhigaalka

Salaan Taariikhi Ah Oo Dhexmartay Trump Iyo Kim Jong-un Bilowga Shirmadaxeedka Singpore

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmaya hoggaamiyaha  Kuuriyada waqooyi , kuwaasi oo isku arkaya shir-madaxeed Taariikhi ah oo aan horay u dhicin ayna Martigalineyso Singapore.

Kulankan ayaa waxaa la rajeynaa inuu is bedel weyn ku sameeyo xiriirka labada dal, kuwaasi oo horay isku weydaarsaday dagaal dhanka afka ah intii lagu guda jiray sanadkii la soo dhaafay.

Waa markii ugu horreysay oo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka oo weli xukunka haya.

Washington ayaa rajeyneysa in shir-madaxeedkan uu keeno mid u gogal xaaraya in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Trump ayaa wax yar ka hor shir-madaxeedka sheegay in Washington iyo Pyongyang ay qaateen kulamo gogal xaar ah kuwaasi oo ku dhamaaday si wanaagsan .

Kim ayaa wariyeyaasha u sheegay in haddii kulankiisa Trump laga gaaro heshiis ay Singapore gali doonto Taariikhda.

Goobjoog News