U bood dhigaalka

Salaanta Gacanta Oo Lagu Ogaado Cudurro Badan

Sheeko:Caafimaadka

Maalin uun ma ku fakartay inaad tijaabiso xaaladda caafimaad ee saxiibkaa mana ku tijaabisay salaanta gacanta la isgeliyo, dadka way isa salaamaan sida caadada ah waxayna isku salaamaan oo ay isku gacan qaadaan salaan uun kaliya, balse daraasad soo baxday ayaa  muujineysaa iney salaantu oo la isku gacan qaado ay leedahy muhiimado kale oo ku saabsan  in la qiimeeyo aaladda caafimaad.

Bar cusub ayaa sheegeysa  in ay muhiim tahy salaanta gacanta majallad laga leeyahy wadanka jarmalka oo ka faaloota arrimaha caafimaadka oo lagu magacaabo Arzte Zeitung ayaa waxay sheegtay in dad qubaro ah in ay sheegayaan  in xaaladda caafimaad ee qofka  lagu ogaan karo salaanta gacanta marka xoog loo salaamo ama lagu adkeeyo gacanta taa soo sheegeysa in  ay tahy salaanta wada lagu ogaan karo qofka badqabkiisa iyo in uu xanuunsanayo.

Soojeedintaan caafimaad ayaa ka timida wadanka Austria  iyadoo cilmi baaristaan ay sameeyeen koox baarayaal ah oo iyagu  laftoodu ku tijaabiyay dhowr qof oo  qaba xanuunka cancerka ka hor inta aysan ogaan natiijada.

Salaanta dadka ay u dhaxeyso da’dooda 30 ilaa 40 ay yihiin kuwa ugu awooda badan xagga salaanta laakin ay tartarbiib ay u yaraaneyso awoodooda marka ay weynaadaan.

Salaanta ayaa waxay tahy wadada kaliya ee lagu ogaan karo caafimaadka qofka waa sida ay sheegayaan dadka dhaqaatiirta ah iyo kawa aan dhaqaatiirta ahyn balse iyago ka shaqeeya dhanka faydhoorka caafimaadka.

Daraasado badan oo lasoo saaray ayaa waxay horey u sheegeen in salaanta gacanta ay keeni karto inay gudbiso cuduro iyo jeermis balse daraasadaan watii ugu horreysay oo sheega inay salaantu tahy  arrin u wanaagsan caafimaadka waxaa laga yaabaa iney caddeyso xaaladdaada caafimaad .

Salaanta gacanta ayaa waxaa lagu ogaadaa cudurada hargabka iyo cudurada kale ee ku dhaca caloosha.

Goobjoog News