U bood dhigaalka

Saldhig Booliis Oo Laga Dhagaxdhigay Duleedka Baydhabo

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee gobolka Baay ayaa saldhig loogu talogalay iney ku shaqeeyaan ciidamada Booliiska ka dhagax dhigey deegaanka Maanyo Fuulka oo qiyaastii 5-km u jirta magaalada Baydhabo.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee gobolka Baay Mahad C/raxmaan Aadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in saldhiggan uu ahmiyad weyn u leeyahay Taliskooda, islamarkaana ay muhiim tahay  in lahelo rugo badan oo uu leeyahay Booliiska.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in magaalada Baydhabo ay ballaaratay, sidaasi darteena meel walbo oo ku dhow magaalada ay muhiim u tahay in la helo saldhig Booliis.

Sidoo kale taliyahay ayaa sheegay in hareeraha magaalada Baydhabo ay ka dhisi doonaan rugo booliis oo gaaraya Afar, si amniga iyo howsha ay bulshada u hayaan u ballaarato.

“Magaalada Baydhabo waa ay ka ballaaratay sidii ay ahayd, saldhiggan aan dhisnay wuxuu muhiim u yahay shacabka Baydhabo oo loogu adeegi doono, lagana sugi doono ammaankooda, Afar rug kale ayaan sidaan oo kale u dhagaxdhigi doonnaa” ayuu yiri taliyaha.

Maamulka K/galbeed ayaa maalmahan dambe dib u habeyn ku wada Booliiska maamulkaasi, waxaana la ballaarinayaa xarumihii ay Booliiska ku shaqeyn lahaayeen.

Goobjoog News