U bood dhigaalka

Saldhig Booliis oo Laga Furey Degmada Shibbis ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

saldhigga shibbisGuddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta xariga ka jaray saldhig booliis oo ay yeelanayso degmada Shibbis ee gobolka Banaadir taasi oo aanan horey u lahayn saldhigga.

Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegey in mashruucani uu yahay mid uu fuliyey maamulka gobolka, waxaana maalgalisey hey’adda USAID, wuxuuna intaasi ku daray in saldhigga uu leeyahay dhamaan waxyaabihii saldhig looga baahnaa.

Waxa uu saldhigga leeyahay 2 xabsi, xafiiskii taliyaha saldhigga oo si wanaagsan u qalabeysan, oobigii lagu qorayay dacwadda, musqulo, iyo dhamaan adeegyadii kale sida isgaarsiinta.

Muungaab ayaa sheegey in iyada oo maamulka uu jiro 10 bilood, guddoomiyaha degmadana Cabdi Fitaax  Nuur Cali uu xilka hayo 8 bilood degmada laga hirgaliyey 4 waaxood, saldhig booliis, iyo jidadkii oo kuwii ugu dambeeyey maanta hawshooda la galay.

Guddoomiyaha ayaa dadka magaalada ugu baaqay in ay canshuurta bixiyaan, islamarkaasina ka shaqeeyaan nabad galyada “Wax kasta waxaa saldhig u ah nabad galyada, nabad la’aan wax jiraaye ma leh” ayuu yiri Muungaab.

Waxyaabaha kale ee degmada ka socda ayaa waxaa ka mid ah nambareynta guryaha, magac ku qorista waddooyinka iyo waliba barnaamijkii dariseynta.

Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in degmada laga furi doono ruggo caafimaad oo si lacag la’aan ah dadka loogu daweeyo, iskuulaad iyo dhamaan adeegyada bulshada.

Dhageyso

Goobjoog News