U bood dhigaalka

Saleebaan oo La Musuqay: Saxiixe Galmudug oo La Badalay iyo Murashax Arrinta Ku Lug Leh

Sheeko:Baarlamaanka

Nabaddoonno ka tirsan jufada reer Maxamed Cabdi oo ka tirsan beesha Saleebaan ee Galmudug, oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheeganaya musuq lagu sameeyey saxiixe ka tirsanaa odeyaashii Galmudug dhisay 2015-kii.

Nabaddoonnada Mire Yuusuf Jimcaale  iyo  Cabdi Cismaan Weheliye ayaa waxaa ay qabaan in murshax Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor  uu si hoosi uga dhaadhiciyey nabaddoonkii hore ee Reer Maxamed Cabdi Nabaddoon Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) in lagu badalo nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Tahliil Maxamed Aaden, arrintaas oo ku dhacday tashi iyo iska warqab la’aan.

Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) ayaa la sheegaya in la badalay kadib markii uu xanuun u yimid magaalada Muqdisho iyada oo ninka cusubna aan lala socodsiin dadkii uu kuraasta 2-bada ah mas’uul uga ahaan lahaa.

Mire Yuusuf Jimcaale oo arrintaan Goobjoog News u sharaxaya ayaa yiri “ Nabaddoon Jabuuti waa jirraday, waxaana lagu badalay sida aan maqalnay Tahliil Maxamed Aden oo la dhashay Jabuuti si uu saxiixe ugu noqdo 2-badii kursi ee Galmudug ku lahaayeen reer Maxamed Cabdi, arrintaas waa mid qabyaaladeysan, eex ku jirto, qaladka hadda bilowday ayaan saxeynaa, waxna kama jiraan, ololaha Qooqoor ayey qeyb ka tahay, mana yeeleyno”.

Dhankiisa, Nabaddoon Cabdi Cismaan Weheliye oo isna la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheegtay sifada lagu xulay Nabaddoon Tahliil oo aaney cidna ka tashan isaga oo yiri “ Haddii Nabaddoon ama saxiixe dhaco ama iscasilo, waa in laga tashto, ee ma aha in qof la isaga dhiibo, ninkan loo dhiibay wakiilnimo loogama tashan, si rasmi ah inuu u hayana lagama tashan, mana yeeleyno, waa musuq cad”.

Kuraasta 2-nada ah ee saxiixahooda la badalay waxaa leh reer Maxamed Cabdi oo ka kooban:  reer Warsame, reer Caraaye iyo Reer Muuse, waxaana arrintaasi ka hor yimid nabaddoonnada kala ah : Muuse Raqle, Cumar Faniinte, Mire Yuusuf Jimcaale  iyo  Cabdi Cismaan Weheliye .

Guud ahaan Saleebaan waxaa ay Galmudug ku leeyihiin 7 xildhibaan , 4 Dashame iyo 3 Farax ah, keliya waxaa la badalay nabaddoonkan ka mas’uulka ahaa labada xildhibaan.

Beel kale oo Murusade ah la dhaho, oo ka tirsan kuwa Galmudug iyadana waxaa laga badalay 4 ka mid ah 6 saxiixe oo  laheyd, arrintaas oo lagu sheegay musuq dhacaya doorashada ka hor.

Goobjoog News waxaa ay isku deyday in ey la xiriirto Wasiir Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor  oo lagu sheegay inuu arrintan ku lug leeyahay, laakin nooma suurogelin, innaga oo sugeyna jawaabtiisa.

Goobjoog News