U bood dhigaalka

Saliid Kulul Ayaa Lagu Shubey, Xaaladiisa Caafimaadna Dalka Gudihiisa Wax Waa Looga Qaban Waayay

Sheeko:Dalka

Waa dhibbane Khaalid Ismaaciil Yuusuf oo da’diisu tahay 18 jir, waxa uu la xanuunsanaa gubasho daran oo kasoo gaartay jirkiisa inta badan kadib markii islaan habar yartiis ah oo dhimirka wax oga dhimanyahay ay ku shubtey saliid kulul

“Waxan igu dhacay wax sahlan ma ahan, qof xanuunsan ayaa saliid igu shubtey, habeenkii hal dhinac bes ayaan u seexdaa” ayuu yiri dhibbanahani

Waxa uu hada ku suganyahay magaalada Muqdisho isaga   oo laga keenaya xaafada Qurac-Dheer ee magalada Hargeysa si xaaladiisa caafimaad wax looga qabto magaalada muqdisho iyada oo ay natiijada ay kala kulmeen dhaqaatiirta ay noqotay “waxba dalka loogama qaban karo”.

Jirka dhibbanaha ayaa waxaa muuqda dhibaato aad u baaxadweyn oo gubasho ah taasi oo heerkeeda gaarsiisanyahay waxa loo yaqaano (Third Degree) ama heerka sedexaad oo ah qaabka ugu daran ee uu qof u gubban karo maqaarkiisa.

Khaalid ayaan weediiney waxa uu dareemayo oo xanuun ah “jeexan midig illaa gacanta, illaa caloosha, boowdada illaa jilibka ayaan ka gubtey” ayuu yiri Khaalid.

“Xagga neerfaha marka aan salaadda tukanayo madaxa waa uu gororayaa, sujuudda ayaanan xamileynin” ayuu intaasi ku daray.

Khaalida ayaa tibaaxay in isaga oo ka baqaya in dadka ay ka naxaan raadadka ka muuqda qeybaha sare ee jirkiisa uu ku daboolo koofiyaaha ku xirin fanaanada.

Ismaaciil Yuusuf Xasan oo ah aabaha dhalay dhibbane Khaalida ayaa ka dalbaday madaxda dowladda iyo dadka dhaamaan in ay willkisa ay usamata bixiyaan dalka dibadiisa si dib looga soo celiyo isla sin naanta wajigiisa oo hada qeybo kamid ah dabka Aawgii isku yimaadeen.

Tani oo ah masiibo soo wajahday wiil yar oo curdun ah oo mustaqbalkiisa hadda uun biloow yahay ayaa waxa ay wax ka sheegeysaa sida loogu baahanyahay adeegyo caafimaad oo dalka gudihiisa oo wax looga qaban baahiyahan oo kale.

 

FG: Markii aan sheekadani daabacaynay waxaan in badan ka tashanay in ay habboontahay in sawiradda wiilka la daaboco, waxaa noosoo baxdey in aan mid kaliya daabacno si dadka muxsiniinta ah ee doonaya in ay caawiyaan ay indhahooda ugu arkaan baaxada dhibaatada wiilkani heysata.

Goobjoog News