U bood dhigaalka

Samsam Daahir Oo Noqotay Gabadhii Ugu Horreysay Ee Kamid Noqota Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Samsam Daahir Maxamuud ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee kamid noqota aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Samsam waxaa kula tartamaysay kursigani Faadumo Macallin Cumar Maxamuud waxaana codeynta kadib guddiga ay ku dhawaaqeen in Samsam ku guuleysatay doorashadii dhacday.

Taariikhda marka loo eego waxay noqotay gabadhii ugu horreysay oo ka mid noqota aqalka sare ee baarlamaanka dowladda cusub taasoo ka timid dhanka Galmudug.

65 cod ayay ku guuleysatay Samsam Daahir waxaana xilligani haweenka ay hal kursi ka heystaan Galmudug inkastoo natiijada aan la sii saadaalin Karin kuraasta kale oo ay haweenku kula tartamayaan ragga siyaasiyiinta ah.

Goobjoog News