U bood dhigaalka

San Bernardino, California: Labo Lagu Tuhmayo Dadkii Weerarka Fuliyay oo La Dilay

Sheeko:Dalka

14 qof ayaa ku dhimatay halka 17 kale lagu dhaawacay kadib markii rasaas lagu furay dad ku sugna axarunta social services centre ee San Bernardino oo ku taalla California.

Booliiska Mareykan ayaa sheegay in labo qof oo u labisan sida askarta oo kale ay soo weerareen goob lagu xanaaneeyo dad Cuuryaamiinta ah.

Madaxweyne Obama oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay“Waxaa ognahay in weeraro noocaan oo kale aanau ka dhicin dunida inteeda kale”

Weerarkan waxaa uu imaanayaa wax ka yar 3 todobaad weerar kale oo ka dhacay Colorado, weerarkaas oo ka dhacay xarun arrimaha qoyska ah waxaa ku dhintay 3 qof halka 9 kale ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan waa kii ugu dhiigga badanaa kadib weerarkii ay ku dhinteen 26 qof ee ka dhacay Iskuul ku yaallo Newton, Connecticut sanadkii 2012.