U bood dhigaalka

Sanaag: Deegaanno Hor Leh Oo Looga Barakacay Abaaraha

Sheeko:Dalka

Abaarta daba dheeraatay ee ka jirta gobolka Sanaag ayaa saameyn aan yareyn ku yeelatay kumanaan qoysas ah kuwaasoo hadba degaanno hor leh u sii barakacaya, iyagoo ka cararaya biyo la’aanta.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa weli heysta xaalado dhanka nolosha ah iyagoo ka cabanaya abaaraha ka sii daray ee ka taagan gobolkaasi.

Shacabka ku dhaqan degaanno hoostaga magaalada Badhan ayaa ka cabanaya iminka abaarta daba dheeraatay oo ay sheegeen inay saameyn xun ku yeelatay.

Qoysaskani oo dhowr jeer degaanno isla gobolka Sanaag ah isaga kala guuray ayaa sheegay in xoolihii ay ka leysay abaarta jirta, islamarkaana aynaan helin wax gargaar ah.

Degaanka Xarkadheere oo ka tirsan Sanaag qof ku sugan ayaa Goobjoog News u sheegay in aan la qiyaasi Karin saameynta ay leedahay abaartani.

“Gobolka waxaa abaar darteed uga barakacaya qoysas badan, xaaladdu waxaadba moodaa in hadda ay kasii dartay, Biyo iyo raashiin intaba maleh, dadkuna waxay aadayaan meesha ay biyo ka heli karaan”

Illaa hadda lama hayo gurmad rasmi ah oo lala gaaray dadka ay abaarta ku hayso deegaanno badan oo ka tirsan gobollada dalka.

Goobjoog News