U bood dhigaalka

Sanbaloolshe “Libaax Jiis Ah Lo Wuu Fiijiyaa” (Muuqaal)

Sheeko:Dalka

Taliyahii hore ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolse oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, xil ka qaadistiisa iyo sidoo kale qaabkii uu u waayey kursigii golaha shacabka ee uu u tartamay.

Ugu horreyn, Goobjoog News ayaa Sanbaloolshe weydiisay inuu mucaaradka ku biiray, maadaama dhowaan uu dhaliilo u jeediyey DFS, wuxuuna si dadban u sheegay in wadada u furan hadda ay tahay in dhanka mucaaradka ku biyo shubto.

Waxa uu ka hadlay doorashadii ka dhowaan ka dhacday magaalada Jowhar ee uu isagu ku waayey kursigii golaha shacabka ee uu u tartamayey ayuu sheegay in sababta ugu weyn ay tahay qarash badan oo dhanka Villa Soomaaliya laga direy, islamarkaana badi ergadii wax dooraneysay la iibsaday waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar uu soo hadal qaaday qaabka xilka NISA loogu magacaabay ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka helay ballanqaad ahaa in Afar Sano ay wada dhammeysan doonaan, maadaama uu weynayo marka taliye laga dhigo kursigii uu  ka hayey golaha shacabka.

Taas bedalkeeda ayuu sheegay in looga baxay balanqaadyadii, islamarkaana loo weeciyey in laga boobo kursigii golaha shacabka ee uu u tartamay.

Goobjoog News ayaa sidoo kale Sanbaloolshe weydiisay inuu dareemayo xilligaan in ay awooddiisa hoos u dhacday, wuxuuse yiri “Libaax jiis ah Lo wuu fiijiyaa”

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa sheegay in talada dalka ay jiraan iney si dad ban wax uga maamulaan rag aan ahayn madaxda dalka waa sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya:

Goobjoog News