U bood dhigaalka

Sanduuqa Lacagta Adduunka Oo Taageeray In Soomaaliya Lacag Sameysato

Sheeko:Dalka

Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka Samba Thiam ayaa sheegay in lacagtan cusub ay suuqa soo gali doonto Sanadkan 2017 inta uusan dhamaan ,waxaana meesha ka bixi doonta lacagta duugta ah ama been abuurka ah ee hadda suuqyada Soomaaliya ku jirta .

Waxa uu intaa ku daray in 89% lacagta hadda Soomaaliya laga isticmaalo ay been abuur tahay tirada soo hartay ee ah 2% ay tahay lacagtii Soomaalia loo daabacay intii u dhexeeysay 1990 illaa 1991dii.

Dalka ayaa Fowdo galay ka dib markii la riday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre uu hogaaminayay 1991kii, waxaana bur-bur baahsan lagula dhaqaaqay hay’adihii Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo kuwii Bulsho .

Taasina waxa ay keentay in uu hoos u dhaco dakhligii qofka , sidaasina ay Shaqo la’aanta iyo faqriga uu ku faafay  ilaa Soomaaliya  lagu tilmaamay waddanka  ugu Faqrisan Caalamka .

Madaxa Sanduuqa lacagta aduunka Samba Thiam Waxaa uu intaas ku daray in Sanduuqa lacagta,  keliya uusan awoodin  maalgelinta qorshahan oo dhameystiran , loona baahan yahay in ay dowladaha deeqaha  bixiya ay ka qeyb qaataan taas oo uu sheegay in ay meel wanaagsan mareeyso .

Soomaaliya  ayaa looga baahan yahay in ay iska bixiso deynta lagu leeyahay oo gaareysa 5.3 Bilyan oo Dollar si ay u hesho amaah cusub ama maalgelin caalami ah .

Deynta Soomaliya waxaa ku leh Bangiga  adduunka, Sanduuqa Lacagta adduunka iyo kan kobcinta Afrika.

In laga cafiyo Soomaliya deynta lagu leeyahay waxa ay ku xiran tahay sida ay ula dagaalanto Musuqa ka jira dalka si ay u hesho maalgalin iyo dib u dhis wanaagsan .