U bood dhigaalka

Sanduuqa Xaaladaha Deg-degga ah  Ee Qaramada Midoobey Oo Gaaray Hadafkii Ahaa US$450 Million

Sheeko:Dalka, War

Isku duwaha arrimaha Banii’adnimada u qaabilsan xogheyaha qaramada midoobey Mark Lowcock ayaa sheegay in Sanduuqa xaaladaha deg-degga ah  Ee qaramada midoobey  uu helay sanadkan 2017-ka lacagtii loo qorsheeyay ee  aheyd US$450 million.

“Waxaan ku faraxsanahay sida deeqsi-nimmada leh ee dalalka deeqaha u soo gaasriiyeen sanduuqa CERF” sidaasi waxaa warbixin ku sheegay Mark Lowcock.

Mark  waxaa uu dalalka ku ammaanay si ay uga jawaabeen baahida ay qabaan 145 million qof   oo u baahan gargaar banii’aadnimo isaga oo soo jeediyay in dhibkaasi si wax looga qabto loo baahan yahay 2018-ka lacag dhan $1 billion.

Sanduuqan waxaa la sheegayaa in gargaar gaarsiiyay in ka badan 20 Milyan oo qof oo abaar ku heysay dalalka Nigeria, South Sudan, Somalia iyo Yemen.

Sida qoraalkan lagu sheegay Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ay sanadkii hore isku raaceen in la kordhiho lacagta sanadkii la siiyo Sanduuqa xaaladaha deg-degga ah  Ee qaramada midoobey oo ah $450 million, lagana  dhigo $1 billion sanadka 2018.

“ Malaayiinta dhibaateysan darood, waxaan ka codsanaa dalalka deeqda bixiya in ay lacago ugu deeqaan sanduuqa  Sanduuqa xaaadaha deg-degga ah  Ee Qaramada Midoobey” sidaasi waxaa yiri xogheyaha guud ee qaramada midoobey António Guterres.

Goobjoog News