U bood dhigaalka

Saraakiil Amni Oo Turkiga Ah Oo Maalintii 2aad Ku Sugan Muqdisho

Sheeko:Amniga

Mudane Hulusi Akar oo ah wasiirka gashaandhiga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA oo arbacadii yimid Muqdisho ayaa saacadihi tagay kulamo la lahaa madaxda dowladda federaalka ah.

Dadka ay la kulmeen waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, iyada oo xalayna loo sameeyey casho sharaf soo dhoweyn ah.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Turkiga waa dalkii ugu horeeyey ee Soomaaliya u soo gurmada burburkii kadib, waa dal saldhig ku leh Muqdisho, waxaa halkaasi lagu tababaraa ciidamada Soomaaliya, waxaa intaas dheer maal-geshi ay ku sameysteen meelo badan oo Muqdisho ku yaalla.

Goobjoog News